Shan ka tirsan Ciidamada Kenya oo lagu dilay qarax ka dhacay Gobolka Lamu

0
690

Shan ka tirsan Ciidamada Kenya oo lagu dilay qarax ka dhacay Gobolka Lamu

Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax miino oo arbacadii maanta ka dhacay Gobolka Lamu ee gudaha Kenya.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay gaari kuwa ciidamada xambaara ah oo ka yimid deegaanka Baragooni, kuna socday Bodhei ee Gobolka Lamu.

Warbaahinta Kenya ayaa soo warinaya in qaraxan uu ahaa mid culus ay sidoo kale ku dhaawacmeen illaa lix askari.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Gobolka Lamu, ayna ku dileen illaa sagaal askari, halka 11 kalena ku dhaawaceen.

Keymaha Boni ayaa todobaadyadii u dambeeyay waxaa ka dhacayay weeraro Al-Shabaab la beegsanayeen Ciidamada Kenya, waxaana keymaha fog ee Boni la sheegay inay ku dhuumaaleystaan dagaalyahanada Shabaabka ee asalkooda yahay Kenyanka.

Ciidamada Kenya ayaa Keymaha Boni ka wada howl gal ay ugu magac dartay “Operation Linda Boni” si uu uga hortago dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ku leedahay aaggagaas oo ah goobo keymo ah oo lagu dhuumaaleysan karo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here